DHAGEYSO:William Ruto oo difaacay siyaasaddiisa gaari gacanka

0
671

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in aan loo baahneyn in lagu mashquulo astaanta siyaasadeed ee xisbiga UDA oo ah gaari gacan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in aynan micnaheedu ahayn in uu dalka ka abuurayo kala qaybsanaan ku saleysan maalqabeennada iyo danyarta.
Ruto ayaa ku nuuxnuuxsaday in xeeladdiisa siyaasadeed aynan ahayn mid dhallinyarada lagu liidayo sida ay ku doodayaan siyaasiyiinta ay aragti ahaan kala duwan yihiin

Hadalka Ruto ayaa u muuqdo mid uu si dadban uga jawaabay hadalkii madaxweynaha dalka ee ahaa in dhallinyarada ay u baahan yihiin in loo sameeyo shaqo abuur wax ku ool ah.