Senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa walaac a muujiyay dilal uu ku tilmaamay kuwo aan si nidaam ah loo fulin oo ciidamada booliska ay u gaystaan wadayaasha mootooyinka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan booliska lagu eedeyay inuu wadada Kirinyaga Road ee magaalada Nairobi ku toogtay qof mooto kaxeynayay.
Senatar Sakaja ayaa dacwad arrinkan ku aaddan u gudbiyay guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha sharciga, caddaaladda iyo xuquuqul aadanaha.
Waxaa uu dalbaday in xubnaha guddigan ay baaritaan qoto dheer ku sameyaan sababtii keentay in wadaha mootada la dilo.
Sakaja ayaa tilmaamay in dilalka noocani ah ay boqolkiiba 50 ka dhacaan ismaamulka Nairobi ee dadweynaha ku nool uu ku matalo aqalka senate-ka.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in arrintan si degdeg ah wax loog qaban doono.