DHAGEYSO:Baarlamaanka oo ansaxiyay xeer dhamaan kenyaanka khasab uga dhigaya caymiska NHIF

0
593

Golaha baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay xeer caymiska qaran ee caafimaadka ee loo yaqaano NHIF ka dhigaya mid khasab ku ah dhammaan Kenyanka da’doodu ay ka sarrayso 18 sano.
Waxaa la doonayaa in dadkan ay iska diiwaan geliyaan hannaanka caymiska cafimaadka ee NHIF maadaama uu baarlamaanka meel mariyay hindise sharciyeedka wax ka beddelka barnaamijka caymiska NHIF ee sanadka 2021-ka
Tani ayay micnaheedu tahay in qoysaska kenyaanka ay sanad kasta adeegga caymiska ku bixinayaan 6,000 oo shilin oo bishii u dhiganta 500 oo shilinka dalka ah.
Hindise sharciyeedkan waxaa baarlamaanka hor geeyay hoggaamiyaha aqlabiyadda Amos Kimunya waxayna tani qayb ka tahay dadaallada ay dowladda dhexe dib ugu habeynayso helidda daryeel caafimaad oo tayo leh.
Mr. Kimunya ayaa xusay in xeerkan uu simayo kenyaanka shaqeeya iyo kuwa shaqo la’aanta ah.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sidoo kale jaangooyay qiimaha uu bixinaya qofka kaligii ah iyo xaaslaha.
Mudanayaasha ayaa sidoo kale dhinac iskaga dhigay soo jeedin ahayd in dowladda dhexe iyo ismaamullada khasab looga dhigo inay qarashaadka caymiska ka bixiyaan qoysaska saboolka ah.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in isbeddelka lagu sameeyay barnaamijka qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF uu culeys badan ka qaadayo kumanaan kun oo shacabka caadiga ah.