Baarlamaanka oo u yeeray saraakiisha guddiga IEBC

0
387

Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa mas’uuliyiinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada ee IEBC ka dalbaday inay toddobaadka dambe ka soo hor muuqdaan guddiga baarlamaanka ee arrimaha sharciga iyo caddaaladda.
IEBC ayaa su’aalo laga waydiin doonaa sida ay isugu diyaarisay maareynta doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu guddigu baarlamaanka dalka ku eedeyay inuusan weli ansaxin xeerar muhiim ah oo jiheyn karo geeddisocodka codeynta.
IEBC waxay sheegtay in xildhibaanada ay muddo dheer ku qaadatay inay meel mariyaan isbeddello ku saabsan doorashooyinka oo lala wadaagay bishii shanaad ee sanadkii hore.
Soo jeedinnada waxaa ka mid ahaa isbeddel lagu sameeyay xeerka dhaqaalaha ku baxaya ololaha doorashada oo baarlamaanka loo gudbiyay bishii siddeedaad ee sanadkii 2020-kii.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa xusay in habdhaqanka ka jiro caalamka uu yahay in maareynta doorashooyinka lagu saleeyo xeerar dastuuri ah.
Waxaa uu tilmaamay in golaha qaran ee xeer dejinta laga doonayay inuu ugu yaraan labo sano ka hor xilliga codeynta dhameystiro ansaxinta xeerarka muhiimka u ah qorsheynta iyo hirgelinta doorashada guud.
Hasa ahaate xildhibaanada oo horay dhinac iskaga dhigay soo jeedinta ku aaddan xaddidaada qarashaadka ku baxaya ololaha doorashada ayaa sheegay in guddiga IEBC uu walaac ku beeraya kenyaanka.
Waxay mudanayaasha soo jeediyeen in saraakiisha uu hoggaamiyo Chebukati ay la yimaadaan qorsho cad oo ay ku xaqiijinayaan in natiijooyinka codeyta lagu kalsoonaan doono.
Dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda ay ka yareysay dhaqaalihii loo qorsheeyay.