Barasaabka Nakuru oo sheegay inay taageero u hayaan Raila Odinga

0
447

Guddoomiyaha ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui oo xalay wareysi gaar ah siiyay telefishinka Citizen ayaa xusay inay siyaasad ahaan u badan yihiin dhanka Raila Odinga oo doonaya inuu markii shanaad u tartamo hoggaanka wadanka.
Waxaa uu tilmaamay in kulamadii dhawaan madaxa xisbiga ODM uu la yeeshay siyaasiyiinta iyo ganacsatada gobolka bartamaha dalka ay ahaayeen kuwo hor dhac ah.
Kinyanjui ayaa carrabka ku adkeeyay inay jiraan qodobbo gaar ah oo ay dani ugu jirto dadweynaha Mt. Kenya sidaas awgeedna ay kala gorgortamayaan cid kasta oo musharrax madaxweyne ah .
Barasaabka Nakuru waxaa uu caddeeyay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee bishii saddexaad sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga uu wax badan ka beddelay aragtidii siyaasadeed ee gobolka bartamaha.
Siyaasigan ayaa sheegay in aynan marnaba fududeysan karin xasiloonida buuxda ee uu heshiiskaasi wadanka u horseeday.
Kinyanjui ayaa tilmaamay inay rajeynayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu hoggaanka Kenya ku wareejiyo cid sida uu hadalka u dhigay dalka u daneynayn karto.
Barasaabka Nakuru ayaa ku nuuxnuuxsaday in danaha shacabka gobolka bartamaha dalka ay ka mid tahay xaqiijinta horumarinta ganacsigooda .
Maalqabeenada iyo siyaasiyiinta Mt. Kenya ayaa ku adkeysanaya inay sanadka 2022-ka taageeri doonaan musharrax dib u soo nooleynaya wax soo saarkii ay dhaqaale ahaan ku tiirsanayeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo gobolkaasi ay ka jirto kala qaybsanaan la xiriirta taageerada ay u hayaan musharraxiinta.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka bartamaha Kenya ayaa xulafo la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Lee Kinyanjui , barasaabka Nakuru ayaa sheegay in maadaama ay bilooyin dhowr ah naga xigaan doorashada guud aan weli la saadaalin karin cidda taageero buuxda ka helaysa bartamaha dalka hasa ahaate wakhti xaadirkan ay niyaddoodu la jirto dhanka Raila Odinga.
Sidoo kale guddoomiyaha ismaamulka Nakuru oo wax laga weydiiyay tartanka madaxtinimo ee ka dhexeya William Ruto iyo Gideon Moi oo ka soo wada jeedo gobolka Rift Valley ayaa ka gaabsaday inuu taasi ka jawaabo waxaa uuna sheegay keliya in cid kasta ay xaq u leedahay inay loolan u gasho qabashada hoggaanka dalka.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale tilmaamay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uunan si cad u sheegin inuu taageeri doono ku xigeenkiisa William Ruto.