Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo caafimaadka ee dalka ayaa daahfuray olole socon doono muddo shan cisho ah oo lagu bartilmaameedsanaya ilaa 50,000 oo maxaabiis ah si looga tallaalo cudurka COVID-19.
Waxaa sidoo kale daawooyinka tallaalka la siinayaa saraakiisha asluubta ee ilaaliya xabsiyada.
Dowladda ayaa shaacisay in tallaalka laga sameyn doono 133 xarumood oo ku yaalla guud ahaan dalka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in ka dib marka tallaalka uu soo dhamaado maxaabiista loo oggolaan doono in eheladooda ay soo booqdaan.
Bishii afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii dowladda ay meesha ka saartay in xubnaha qoysaska ay soo arkaan eheladooda ku jiro xabsiyada si aynan isku qaadsiin cudur sidaha corona.
Wasaaradda caafimaadka ayaa in ka badan 100,000 oo ah daawooyinka tallaalka ugu talagashay waaxda asluubta ee dalka.