Madaxii hore ee IEBC Ezra Chiloba oo loo magacaabay xil cusub

0
558

Madaxii hore ee fulinta guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC Ezra Chiloba ayaa laga dhigay agaasimaha guud ee maamulka isgaarsiinta wadanka.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday bayaan uu soo saaray guddoomiyaha guddiga maamulo CA Kembi Gitura.
Chiloba ayaa xilkan hayn doono muddo afar sano ah iyadoo qandaraaska uu ku shaqeynaya yahay mid loo cusbooneysiin karo.
Waxaa uu beddelay Francis Wangusi oo xafiiska baneeyay sanadkii 2019-kii in kastoo jagadan ay si ku meel gaar ah u sii haysay Mercy Wanjau .
Ezra Chiloba ayaa ka tagay guddiga doorashooyinka ee IEBC bishii Tobnaad ee sanadkii 2018-kii ka dib markii su’aalo badan laga weydiiyay maareynta dhaqaalaha guddiga waxaana shaqada ka eryay guddoomiyaha IEBC Mr. Wafula Chebukati.