Qarax ka dhacay dalka Swedan oo sababay dhaawaca 20 qof

0
528

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacmay dhisme ku yaalla magaalada Gothenburg ee dalka Swedan.
Booliska Sweden ayaa haatan wado baaritan arrinkan ku aadan iyo waxa sababay qaraxa.
4 ka mid dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa dhaawacyadoodu liitaan, islamarkaana xaaladooda caafimaad haatan lala tacaalaya.
Waxaa la rumeysan yahay in
qarax uu sababay dab ka kacay dhismahaasi.
Ugu yaraan 100 qof oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa laga daadgureeyay goobtaasi.
Booliska ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in qaraxa subaxdii hore si ula kac ah loo bilaabay.
Warar aan la xaqiijin oo laga helayo warbaahinta Sweden ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadka deggan dhismaha dabaqa uu yahay sarkaal boolis ah oo dhawaan ka marag kacay buracad maxkamad la soo taagay.
Dalka Sweden, waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dambiyada la xiriira kooxaha burcadda, iyadoo hubka iyo waxyaabaha qarxa loo adeegsado in lagu fuliyo dhibaatooyin.