Nin ka soo jeeda gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu furo xaaskiisa oo ay isqabeen muddo laba sano ah sababtuna tahay inaysan meydhan ama qubeysan maalin walba.
Waxaa uu sheegay inay dagaalamaan mar kasta oo uu sidaasi ka codsado.
Nadaafadda shaqsiga waa qayb muhiim u ah xiriirka, mararka qaarkoodna, waxay sababi kartaa inuu xiriirka dhamaado.
Tusaale waxaa kuugu filan, nin Muslim ah oo ku nool Hindiya oo go’aansaday inuu furo xaaskiisa maadaama ay diiday inay maydhato maalin kasta.
Wuxuu ku andacooday inuu marar badan ka codsaday xaaskiisa inay qubeysato had iyo jeer , laakiin mar kasta oo arrintu timaaddo, doodoodu waxay ku dhammaataaa muran iyo buuq.
Ugu dambayntii, guurkoodi wuxuu ku dhamaaday furiin “saddex-talaq” ah, inkasta oo ay haysteen ilmo hal sano jira.
Ninka, ayaa intii lagu guda jiray la tilinta, wuxuu si isdaba joog ah oo adag noogu sheegay inuu doonayo inuu joojiyo heshiisyada uu la galo haweeneyda. Waxa kale oo uu noo soo bandhigay codsi ah inaan ka caawino sidii uu xaaskiisa u furi lahaa maadaama aysan maalin walba maydhan, ”ayay tiri la -taliye ka tirsan Unugga Difaaca Haweenka.
Markii ay ogaatay go’aanka seygeeda, xaaska, oo ka soo jeeda tuulada Kwarsi ee Uttar Pradesh, waxay codsatay ama sheegtay in ay dooneyso in ay la sii joogta ninkeeda waxayna codsatay caawimaad si loo hubiyo in taasi dhacdo.
Kiiska noocan ahi uma yara sidaad u malaynayso. Sannadkii hore waxaa jirtay haweeney Hindi ah oo ninkeeda ay kala tageen ka dib markii ay ku eedeysay inu qubeysan maalin kasta, dhawr sannadood ka horna waxaa jiray nin reer Taiwan ah oo xaaskiisa furay ka dib markii uu ku eedeeyay inay maydhan jirtay hal mar sannadkii.