Muturi “Isbaheysi siyaasadeed lama sameynayo madax lala xiriiriyay musuqmaasuq”

0
406

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa wacad ku maray inuusan heshiis siyaasadeed la geli doonin hoggaamiye kasta oo sumcad wanaagsan lahayn.
Mr. Muturi ayaa sheegay in aan lagu qasbi doonin in uu iskaashi la yeesho dad uu sheegay inay ku lug yeesheen arrimo la xiriira musuqmaasuq.
Waxaa uu xusay inay wanaagsan tahay in la sameeyo iskaashi siyaasadeed oo la wada shaqeeyo, balse aad u baahaneyso inaad ogaato qofka aad isbaheysi la sameyneysid.
Afhayeenka baarlamaanka ee dalka ayaa carrabka ku dhuftay dhibaatada ugu weyn uu dalka ay tahay musuqmaasuq.
Waxaa uu xusay inuusan sinaba oggolaan doonin inuu iskaashi la sameeyo siyaasiyiinta lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen foola noocaan ah.
Waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay in kasta oo ay Kenya dhaqaale ku filan haysato, haddana hoggaamiyeyaasha ay ay sii wadaan lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Mr. Muturi ayaa ballanqaaday inuu la tacaali doono musuqmaasuqa hadii loo doorto xilka madaxtinimo ee doorashada guud sanadka dambe ee 2022-ka.