Xoghayaha ururka macalliminta Kuppet laanta ismaamulka Vihiga Sabala Inyeni ayaa sheegay inay khalad tahay qorshaha guddiga adeegga macalliminta ee TSC ee ah in barayaasha dugsiyada dowladda laga doonayo inay shan sano ka dib cusbooneysiiyaan shahaadada shaqo.
Waxaa uu sheegay in hadii macallimiinta la siinayo tababar dheeraad ah laga bixiyo qarashaadka ku baxayo.
Ururrada macalimiinta dalka ayaa wajahaya gadood ka dhan ah barnaamijka horumarinta aqoontada macallimiinta ee (TPD).
Barnaamijkan ayaa loogu talagalay in shanti sano mar la tababaro macalimiinta lana cusboonaysiiyo shahaadada ay ku shaqeynayaan.