DHAGEYSO:IPOA oo baaraysa dil laga gaystay waddada Kirinyaga ee Nairobi

0
652

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dil la sheegay in sarkaal boolis ah uu ka gaystay waddada Kirinyaga ee bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Bayaan uu maamulkan soo saaray ayuu ku sheegay in koox dhacdadaan ka falceliyo la diray si ay u helaan dhammaan macluumaadka arrinkan ku saabsan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in shalay subax sarkaal boolis ah uu toogtay mid ka mid ah wadayaasha mootada nooca loo yaqaano dhudhugley.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ruuxa la toogtay uu is qabqabsi dhex maray isaga iyo askari dhar cad ah markii toogashadu dhaceysay.
Waxaa ilaa hadda aan caddeyn sababta uu sarkaalka ka tirsan ciidamada booliska uu dilka u gaystay.
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Starehe ee Nairobi Charles Njagua oo loo yaqaan (Jaguar) ayaa ka mid ahaa boqolaal dibadbaxayaal ah oo ka soo horjeestay gobodfollada ka dhanka ah dilalka ay gaystaan booliska.
Waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah maxkamad loo soo taago dhammaan saraakiisaha ku lugta lahaa dilka wadaha mootada.
Qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee dibadbaxa dhigay ayaa sheegay in saaxibkood loo dilay laaluush 50 shilin ah oo uu diiday inuu askariga siiyo waxayna dalbadeen caddaalad.