Pakistan oo la geeyay tallaalkii ugu horreeyay ee COVID-19

0
750

Dowladda dalka Pakistan ayaa lagu soo warramayaa inay Shiinaha ka guddoontay xirmooyinka tallaalkii ugu horreeyay ee lagula tacaalaya caabuqa corona.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ayaa sheegtay in Shiinuhu uu gu deeqay ilaa 500,000 oo ah tallaalka shirkadda daawooyinka ee Sinopharm .
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Pakistani, Dr .Faisal Sultan ayaa sheegay in diyaarad sidda daawooyinka ay maanta ka soo caga dhigatay caasimadda Islamabad.