Qaramada midoobay oo cambaareysay afgembi militari oo ka dhacay Myanmar

0
746

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr. Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyay howlgal lagu tilmaamay afgembi oo ay ciidamada difaaca ee dalka Myanmar ay kula wareegeen hoggaanka dalkaas.
Sidoo kale waxaa uu arrin khalad ah ku tilmaamay xarigga mas’uuliyiinta ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi oo Myanmar hoggaaminaysay.
Mrs. Aung ayaa shacabka dalkaas ugu baaqday inaysan oggolaan oo ay ka soo horjeestaan inqilaabka dhacay.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay xafiiska afhayeenka Guterres, Stephane Dujarric .
Bayaanka waxaa qayb ka ah in tallaabooyinka militari ay dharbaaxo xooggan ku yihiin isbeddellada dimuqraadiyadeed ee Myanmar.
Militariga dalkaas ayaa loogu baaqay in uu qadariyo rabitaanka shacabka ee ay bishii 11-aad ee sanadkii hore ugu codeyeen mas’uuliyiinta talada haya.
Dhanka kale golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa qorsheeyay in maalinka Khamiista ee isbuucan uu yeesho kulan ku saabsan xaaladda Myanmar iyadoo shirkaas ay ka qayb geli doonto ergayga gaarka ah ee UN-ta u qaabilsan Myanmar Christine Schraner Burgener.
Arrornimadii hore ee maanta ayay ahayd markii militariga Myanmar uu shaaciyay xaalad degdeg ah oo wadankaas sida ugu dhaqsiyaha badan uga dhaqangalayso.
Waxaa qoraalka ku cad in Myanmar ay xaaladdan oo mid heer qaran ah ku jiri doonto muddo hal sano ah.
Militariga ayaa tallaabooyinkan qaaday isagoo ka falcelinaya wax isdaba marino la sheegay inay dhaceen xilligii doorashada.
Muuqaal uu baahiyay telefishinka militariga Myanmar ayaa lagu sheegay in hoggaanka wadankaas loo gacan geliyay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Min Aung Hlaing.