Guddoomiyaha golaha hoose ee Mandera oo ka hadlay xaaladda abaarta

0
547

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Mandera Maxamad Khaliif oo ka hadlayay xaaladda abaarta ee dowlad deegaankaasi ayaa sheegay in taageerada ugu wayn ee loo baahan yahay wakhti xaadirkan ay tahay in la quudiyo xoolaha liita ee ay dadku ku tiirsan yihiin.
Waxaa uu tilmaamay in culeyska jira uu ka dhashay in aynan da’in roobabkii muddada dheer da’i jiray ee bilaha saddexaad , afaraad iyo shanaad taas oo sababtay in daaqa xoolaha gebi ahaanba dhammaado.
Guddoomiyaha waxaa xusay in ka badan 29 kun oo qoys inay saameysay abaarta ku dhufatay ismaamulka Mandera
Sidoo kale waxaa uu carrabaabay in la joogo xilligii ay dadka isku diiwaan galinayeen codbixinta balse hadda sida uu sheegay ay dadka xoola dhaqatada ah ay u halgamayaan sidii xoolahooda ugu heli lahaayeen daaq taasina ay curyaamin karto howlaha diiwaangalinta codbixiyaasha .
Guddoomiyaha golaha hoose ee Mandera ayaa sheegay in carruur badan ay waxbarasho la’aan soo foodsartay maadaama ay waalidiinta iibin jireen xoolahooda si ay u bixiyaan qarashaadka iskuulka taasina ay abaartu saameyn ku yeelatay ardaydana hadda loo diraya guriyahooda maadaama ay waalidiintu awoodin bixinta lacagaha lagu dhigto dugsiyada.