Drs Fawziya Abikar Nuur , wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee dawladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka ku qaabishay safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Feishengcho.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha Caafimaadka guud ee Soomaaliya iyo arrimaha Caabuqa COVID-19 iyo meesha ay marayaan qaadashada Tallaalka ka hortaga Caabuqa COVID-19.
Dowladda Shiinaha ayaa si dhab ah uga caawinaysa Wasaaradda Caafimaadka qeybaha tallaalka ka hortaga caabuqa COVID-19 iyo kor u qaadida adeega caafimaadka, Wasiiradda Caafimaadka ayaa ka mahadcelisay garab istaaga ay dawladda Shiinaha ay marwalba diyaarka u la tahay shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka ayaa cadeeyay in ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan Soomaaliya gaar ahaan ka hortagga cudurka Covid 19.