Mudavadi: Khilaafka Uhuru iyo Ruto wuxuu kala qaybin karaa ciidamada ammaanka

0
597

Hoggaamiyaha xisbiga ANc Musalia mudavadi ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto uu sababi karo kala qeybsanaanta ciidamada ammaanka .
Mr. Mudavadi ayaa tilmaamay inay khatar tahay haddii ay kala qaybsamaan saraakiisha amniga.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa sheegay in kala duwanaanshaha Uhuru iyo Ruto ay saameyn karto shaqaalaha rayidka ugu dambeyna curyaamin karto adeegayada loo fuliyo dadweynaha.
Waa markii ugu horreysay ee uu Musalia ka hadlo xiriirka sii xumaanaya ee labada hoggaamiye ee ugu sarreeya dalka.
Madaxa ANC ayaa carrabaabay in Keenyaanka aysan ka qarsoonayn kala duwanaanshaha aadka u daran ee labada hoggaamiye oo uu ku tilmaamay mid aan horay loo arag.
Sidoo kale waxaa uu shaki galiyay in lagu guulaysan karo dhexdhexaadinta madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee ay madaxda kaniisadda katoliggu sheegeen inay diyaar u yihiin.