Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta guddoonsiin doona ciidamada badda ee ku sugan saldhigga Manda garaaddada madaxweynenimo iyo midda midnimo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo dego uu kormeer indha indhayn ah ku sameeyo dhoolatus ay sameeynayaan ciidamada badda.
Garaaddada uu madaxweynaha guddoon siin doona ciidamada ayaa ah billad sharafta ugu weyn ee la siiyo cutubyada ka tirsan ciidamada milatariga ee dalka.
Tani ayaa ka turjumeysa adeegii gaarka ahaa ee ay u hayeen shacabka keenyaanka ah xilliyada nabadda iyo dagaalka, halka mid ka mid midabada ama gaaraddada uu bixinayo madaxweynaha ay tahay aastaan aqoonsi u ah ciidamada .
Sannadkii 2018 -kii madaxweyne Uhuru kenyatta aya waxaa uu ciidamada koofi gaduudka loo yaqaano Guutada 17-aad uu guddoonsiiyay midabada madaxtinimada iyo midda ciidan intii lagu guda jiray dabaaldegga maalinta ay kenya xurnimada qaadatay.