Dowladaha Kenya iyo Qatar ayaa ku dadaalaya sidii ay sare ugu qaadi lahayeen xiriirka ka dhexeya ee dhanka amniga ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiangi oo matalaya madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdulcaziiz Al Thani.
Dr. Fred Matiang’i ayaa mas’uulkan la wadaagay farriin ka socotay hoggaamiyaha dalka oo ah inay ka go’an tahay sidii ay uga wada shaqeyn lahayeen arrimaha amniga.
Tani ayaa horseedaysa in labada dowladood ay saxiixdaan heshiis ballaaran oo dhanka ammaanka ah iyadoo lagu saleynaya danaha ka dhexeya.