shirka golaha wadatashiga Soomaaliya oo muqdisha ka dhacay

0
328

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulanka ay habka fogaan aragga Xalay ku yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliyeed.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka Soomaaliya iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, iyadoo la tix raacayo jadwalkii doorashooyinka ee horay loo soo saaray.
Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya oo shirkaan qeyb ka ahaa, ayaa Golaha Wadatashiga Qaran la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha guddiga ee ku aaddan hab sami u socodka howlaha doorashooyinka wadanka iyo caqabadaha jira.