Madaxda Maraykanka iyo Faransiiska oo kulmaya bisha Oktoobar

0
327

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo dhigiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inay kulan yeeshaan bisha Tobnaad ee sanadkan.
Labadan dowladood ayaa ku dadaalaya sare u qaadidda xiriirka ka dhexeya.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Maraykanka iyo Faransiiska ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay khadka taleefoonka ku wada hadleen iyagoo ku heshiiyay inay kulmaan dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan.