Dhakhtar dhawaan labo carruur ah ku dilay Nakuru oo geeriyooday

0
536

Waxaa lagu soo warramayaa inuu ismaamulka Nakuru ku geeriyooday dhakhtar lagu magacaabo James Gakara oo dhawaan lagu eedeyay inuu dilay carruur uu dhalay ka dib markii uu daawo siiyay.
Sarkaalkan oo ku takhasusay daweeynta cudurrada haweenka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray qaybta daryeelka degdegga ee ICU-da ka dib markii uu isku dayay inuu is dilo.
Caruurta uu ka takhalusay ayay da’doodu ahayd 5 sano iyo 3 sano.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nakuru Beatrice Kiraguri ayaa saaka xaqiijisay geerida dhakhtarka oo lagu daryeelayay isbitaalka wayn ee dowlad deegaankaasi.