Guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka ayaa difaacay waxqabadka senatarrada isagoo xusay inay ka go’an tahay sidii ay dowladda dhexe ugula xisaabtami lahayeen kororka qiimaha shidaalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan marnaba ka gaabin waajibaadka dastuuriga ee loo igmaday
Waxaa uu sheegay in shalay dib loo dhigay kal-fadhigii aqalka sare maadaama wasiirro loo yeeray oo kala ah wasiirka tamarta Charles Keter iyo dhigiisa Batroolka John Munyes aynan ka soo hormuuqan aqalka senate-ka si ay faahfaahin uga bixiyaan sababta keentay in xilligan la kordhiyo qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka .