Maraykanka oo dib u furay safarrada caalamiga ah ee dadka qaatay talaalka

0
495

Dowladda Maraykanka ayaa dib u furaysa diyaaradaha rakaabka sida ee ka imaanaya dalalka Shiinaha ,India, Britain iyo wadamo badan oo midowga yurub ka mid ah kuwaasoo qaatay talaalka ka dhanka ah cudurka Covid 19 bilowgii bisha November sida uu maanta sheegay la taliyaha madaxweynaha Maraykanka Jeff Zients
Aqalka cad ayaa qorshaynaya inuu u ogolaado muwaadiniinta aan Ameerikaanka ahayn ee ka imaanaya wadamadan Maraykanka laga mamnuucay ilaa horaantii sanadkii 2020-kii maadaama shuruudo cusub lagu xirayo iyadoo ay wali jirto musiibada covid 19 sida uu sheegay Mr Zients.
Sidoo kale waxaa jiri doona qaar ka reeban shuruudaha talaalka sida ay mas’uuliyiintu shaaciyeen.
Maraykanka wuxuu dhawaan xannibay inta badan muwaadiniinta aan Ameerikaanka ahayn ee 14-kii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Ingiriiska iyo 26-ka waddan ee Midowga Yurub oo aan lahayn kontaroolo xuduudeed iyo dalalka Ireland, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika, Iran iyo Brazil.