Mucaaradka Ruushka iyo Midowga Yurub oo ka walaacsan doorashada baarlamaanka

0
478

Mucaaradka wadanka Ruushka ayaa been abuur ku tilmaamay doorashada baarlamaanka kadib markii natiijooyinka loo badiyay inay guushu raacday xisbiga Kremlin United Russia ee Madaxweyne Vladimir Putin, halka midowga yurub iyo Jarmalkuna muujiyeen sida ay uga xun yihiin hanaanka doorashada.
Iyadoo Isniinta maanta ah la tiriyay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay ayay gudDiga dhexe ee doorashooyinka Ruushku waxay sheegeen in Xisbiga United Russia ay ku guulaysteen ku dhawaad boqolkiiba 50 cododkii la dhiibtay ninka ugu dhow ee la tartamaya xisbiga shuuciga ayaana helay wax ka yar boqolkiiba 20.
Dadka dhaleeceeya xisbiga Kremlin ayaa dhaliilay natoojooyinka waxayna tilmaameen in wax isdabamarin balaadhan iyo xadgudubyo ay jireen saddexdii maalin ee codbixintu socotay.
Dhanka kale afhayeenka arrimaha dibadda ee midowga Yurub Peter Stano ayaa sheegay inay wixii diyaar garowga doorashooyinka lagu arkay ahaayeen jawi cabsi galin leh.
Afhayeenka dowladda Jarmalka Steffen Seibert ayaa isagoo ku sugan magaalada Berlin warfidiyeenka u sheegay in eedaymaha xadgudubyada ay tahay in si dhab ah loo qaato oo la cadeeyo.
Guusha xisbiga United Russia ayaa ka dhigan inuu xisbigu yeelan doono in ka badan saddex meelood labo aqalka hoose ee baarlamaanka oo ka kooban 450 Kursi