8 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay jaamacad ku taala dalka Ruushka

0
360

Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay ka dib markii uu arday rasaas ku furay jaamacad ku taal magaalada Perm ee dalka Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda fulinta sharciga ee Guddiga Baarista Ruushka.
Ugu yaraan ilaa iyo lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen weerarka wallow uu dhaawaca intaas ka sii badan karo.
Eedeysanaha dilka gaystay ayaa la xiray waxyar kadib markii uu subaxnimadii hore ee Isniinta maanta Jaamacadda Perm State University ku bilaabay weerarka.
Jaamacadan ayaa ku taal meel qiyaastii 1,300 kilomitir iyo (800 mayl) bari ka xigta caasimadda Moscow.
Waxaana weerarkan xaqiijiyay afhayeenka jaamacadda iyo booliska dalka Ruushka.
Guddiga u qaabilsan baarista wadanka Ruushka ayaa sheegay in qofka toogashada geystay loo aqoonsaday arday dhiganayay jaamacadda.
Waxaana lagu samaynaya baaritaan ka dhan ah sababta ku kaliftay inuu dad laayo.