Rw ku xigeenka Soomaaliya oo shaaciyay xilliga lagu dhawaaqi doono xukunka dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0
466

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shaaciyay taariikhda ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay soo saarayso xukunka dacwaddii badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraal kooban U soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ku baahiyay warkan la xirriira dacwadda badda.
Mahdi Guuleed ayaa qoraalkiisa sidaan u dhigay “Alxamdulillaah, Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021.”