Madaxweynihii hore ee Algeria Abdelaziz Bouteflika oo la aasay

0
426

Waxaa maanta la aasay madaxweynihii hore ee wadanka Algeria Cabdelcaziiz Bouteflika oo Jimcihii geeriyooday.
Meydka mas’uulkan hore ayaa lagu aasay qubuurta loogu talagalay halyeeyadii xornimada ee dalkaasi .
Wararka ayaa intaa ku daraya in calanka Algeria hoos loo dhiigay ka hor aaska Bouteflika oo geeriyooday isagoo 84 sano jir ah.
Bishii Afaraad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu Cabdelcaziiz Bouteflika xafiiska baneeyay.