Xuutiyiinta Yemen oo dilay 9 qof oo shacab ah

0
383

Kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda Yemen ayaa goob fagaaro ah ku dilay 9 qof oo ay ku eedeyeen inay ka dambeeyeen dil sanadkii 2018-kii loo gaystay hoggaamiyahoodii Saleh Al-Samad.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee SABA oo ay kooxdu maamusho.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sagaalka qof ee dilka lagu fuliyay ay soo tilmaameen diyaaradaha isbeheysiga militari ee uu hor kacaya Sacuudiga kuwaasoo Al-Samad kaga takhalusay gobolka galbeed ee Hodeidah.
Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa wiil 17 sano jir ah.
Eedeymaha loo jeediyay waxaa ka mid ah inay taleefoonka gacanta ee lagu wada xiriiro geliyeen jeebka ilaaladii Saleh Al-Samad taasoo fududeysay in la ogaado halka uu ku sugan yahay hoggaamiyihii Xuutiyiinta.