Ciidamada ammaanka ee dalka oo xiray 60 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Itoobiya

0
703

Booliska ismaamulka Makueni ayaa gacanta ku dhigay 60 qof oo Itoobiyaan ah oo lagu eedeyay inay wadanka ku joogaan si sharci darro ah.
Shalay ayay ahayd markii la xiray 8 qof, maalin uun ka dib markii 52 kale lagu qabtay aagga Kiboko oo ka tirsan waddada isku xirta Mombasa iyo Nairobi xilli laamaha ammaanka ay fulinayeen howlgal qorsheysnaa.
Taliyaha booliska ismamaulka Makueni Joseph Ole Napeiyan ayaa sheegay in 28 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Itoobiya la qabtay iyagoo ku jira gaari xamuul ah oo ku sii jeeday ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta.
24 ka mid ah 52-da ruux ee hore ayaa gacanta lagu dhigay iyagoo ku dhex jiro guri ku yaalla aagga Kiboko ee ismaamulka Makueni.
Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa xiray Martin Ndunda oo ah darawalka baabuurkii siday eedeysanayaasha.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shakhsiyaadkan ay hadda ku jiraan saldhigga booliska ee degmada Makindu ee ismaamulka Makueni ka hor inta aan berri maxkamadda la soo taagin.