Xubnaha ka dhiman aqalka sare oo Jowhar lagu dooranaayo

0
343

Ka dib buuq ka dhashay xalay doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacaysay Magaalada Jowhar ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in la guda galo howlaha doorashooyinka, isla markaana la dhameystiro Saddexda Xubnood ee Maamulka Hir-Shabeelle uga harsan Aqalka Sare.
Kursiga buuqa uu ka dhashay ee doorashada loo hakiyay xalay ayaa waxaa ku tartamayay Cali Shacbaan Ibraab, Cabdulqaadir Xanafi Sheek Bashir, Cabdullahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar & Cabdalle Cabdi Xuseen
Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in Xildhibaano tiro yar ay buuq ka sameeyeen Goobta doorashada, kuwaasoo uu sheegay in Guddiga anshaxa la marin doono.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in xildhibaannada buuqa ka sameeyay Goobta doorashada aysan jirin wax cabasho ah oo ay wadeen, balse kaliya fowdo ay sameeyeen lana xalin doono.
Ugu dambeyn Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq waxaa uu sheegay in doorashada Hir-Shabeelle ay tahay mid si cadaalad ah loo qabtay, isla markaana ciddii cabasho qabto ay u gudbineyso Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Jowhar ka socday doorashada Aqalka Sare, waxaana ilaa iyo hadda la doortay 5 Xubnood, waxaana ka harsan Saddex kursi, kuwaasoo saacadaha soo socda la dooran doono sida uu qorshuhu yahay.