Qiimaha lagu iibsado korontada dalka oo kor u kacday

0
591

Waxaa sare u kacay qiimaha lagu iibsado korontada dalka.
Kenyaanka ayaa halkii dhibcood bixin doono 26.57 oo shillinka bilaha soo socda.
Waxaa arrintan loo sababeeyay ka dib markii bishaan sare loo qaaday canshuurta dalka.
Tani ayaa noqon doonta qiimihii ugu sarreeyay ee lagu iibsado dhibcaha ee adeegga korontada ee dalka, tan iyo dib u eegistii lagu sameeyay jadwalka canshuuraha bishii 11-aad ee sanadkii 2018-kii.
Bishii hiore ayay ahayd markii Kenyaanka ay bixiyeen lacag dhan 24.77 shillin halkii dhibcood ee korontada oo ay isticmaaleen .
Maamulka maareeya kheyraadka biyaha ee dalka WRMA oo qayb ka ah biilasha korontada ayaa 80 jeer kor u kacay oo ilaa 1.6 shillin sida ku cad warbixin ay shalay soo saartay maamulka maareeya tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA.
Waxaa arrinkan loo sababeyay heshiis dhex maray dowladda dhexe iyo bangiga adduunka bishii hore kaas oo kor u qaaday shuuruudaha sharciyeynta ee shirkadaha biyaha si loo daboolo kharashaadka ku baxaya howlgalka iyo dayactirka.
Kor u kaca qiimaha korontada ee bishaan ayaa la filayaa inuu si weyn u saameeyo nolosha shacabka Kenyaanka ah kuwaas oo durbadiiba dareemaya ciriiriga la xiriira sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka maadaama batroolka iyo naaftada lagu iibinayaa qiimaha ugu sarreeya abid ee taariikhda dalka.