Booliska oo baaraya dilka muwaadin Shiinees ah oo ka dhacay Athi River

0
651

Saraakiisha booliiska dalka ayaa baaraya weerar lagu dilay muwaadinin Shiinees ah, halka laba kalena ay si xun u dhaawacmeen ka dib markii ay tuugo ku soo weerareen gurigooda oo ku yaala degmada Athi River ee ismaamulak Machakos.
Sarkaalka dambi baarista ee u qaabilsan ismaamulka Machakos Charles Mutua, ayaa sheegay in saddexda qof ayaa kala ahaayeen laba rag ah iyo haweeney.
Haweeneyda oo lagu magacaabo Jia Yuan, ayaa u dhimatay jug daran oo ka soo gaartay qaybo ka mid ah ee jirkeeda .
Meydadka muwaadiniinta shiineyska ah ayaa la dhigay isbitaalka Shalom ee ismaamulka Machakos.
Mr. Mutua ayaa sheegay in boolsika ay wali wadaan baaritaano la xariira dhacdadan.