Guddoomiyaha Maamulka Magalada Marka ahna gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shabellaha Hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa shir la qaatey Saraakiisha ugu sareyso Ciidanka AMISOM ee degaanka lambar konton iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka shabeelada hoose ka howlgala.
Shirka ayaa si wadajir waxaa u gudoomiyay Gudoomiyaha iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee deegaankaas waxaana diirada lagu saaray Amniga Magaalada Marka iyo degaannada kale eek u dhow dhow.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka dowladda oo isugu jiray horinta gurmadka 14 Octoober, Saraakiil Ciidanka Gor-gor ka socotay iyo Saraakiisha Ciidanka ilaalada degaanka
Intii uu shirku socdey ayaa waxaa looga hadley xaalada amni degaanka sidii wax looga qaban lahaa iyo Sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Gudoomiye Waafow iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee lambar konton ku sugan ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda ka dhageysteen xogaha amni ee ay haayaan iyo taatikooyinka loo dajin karo howlgallada la fulin doono.
waxayna Ciidanka kula dardaarmeen kala danbeynta,u adeegida qarankooda iyo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.
Gudoomiyaha Maamulka Magalada Marka Ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shebellaha hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa ugu danbeyn sheegey in isku xirnaan hadii lagu dadaali waayo ay dhacayso tafaraaruq iyo in ummadii amnigooda la kafaalo qaadey lagu fashilmi karo masuuliyadaas.
Magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelada hoose iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee agaasaasi ku sugan waxaana dhanka kale gobolka shabeelada hoose si joogta ah uga dhaca howlgalo Al-shabaab ka dhan ah.