DHAGEYSO: Prof Dufle oo ka hadlay guushiisa mar kale ee xubinimada aqalka Sare

0
371

Xalay Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle lagu doortay hal gursi oo ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayadoo talaadadiina ilaa sadax kurs la doortay.
Doorashadii xalay ka dhacda magaalada Jowhar waxaa ku soo baxay Senatar Prof Cismaan Maxamuud Dufle oo afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ku fadhiyay kuna guulaystay in markale dib loogu doortay xilka Senatarnimo ee Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaddib markii wareeggii 3aad ee kala baxa ahaa uu ku guuleystay 68 cod, Musharaxa la tartamayay Raage Xasan Xuuti ayaa isna helay helay 28 Cod.
Wareegii koowaad ee tartanka waxaa ku haray Maxamuud Axmed Nuur Tarsan duqii hore ee magaalada Muqdisho sidoo kalena ah Safiirka dowlada Soomaaliya ee dalkani Kenya.
Kadib markii ay doorashadu dhacda oo guusha lagu dhawaaqay ayuu Prof Dufle wuxuu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha uu qabanayo mudada uu xilkaan hayo isagoo hoosta ka xariiqay inuu arimaha waxbarashada wax badan ka qaban doono sidoo kale dib u dhis balaadhan lagu samayn doono isbitaaladii hore ee deegaanada maaamulka hirshabeelle ku yaalay.