Qaramada Midoobey oo ciidammada nabad -ilaalinta Gabon ka saaraysa Jamhuuriyadda Africada Dhexe

0
403

Wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka Gabon ayaa sheegtay in Qaramada Midoobey ay ciidammada nabad-ilaalinta ee dalkaas oo ka kooban 450 askari ka saari doonto Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) sababo la xiriira xadgudubyo galmo oo lagu eedeeyay.
“Toddobaadyadii la soo dhaafay, falal aad u xun oo ka soo horjeeda anshaxa milateri iyo sharafta ciidamada qalabka sida, oo ay geysteen xubno ka tirsan guutooyinka Gabon ayaa la soo tabiyay.