Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo codsaday liiska musharaxiinta Aqalka Sare

0
448

Guddiga Maamulka Doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaalia Mahdi Maxamed Guleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi inay u soo gudbiyaan liiska musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland.
Qoraal ka soo baxay Guddiga oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Khadar Xariir Xuseen ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorada ee 17-September lana raacayo Shaxda doorashada ay deg deg codsigaas dirayaan.