Madaxda Pakistan iyo Ruushka oo ka hadlay xaaladda Afghanistan

0
437

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistani Imran Khan iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo yeeshay wada hadal dhanka khadka taleefoonka ah ayaa diiradda saaray xaaladda ka taagan Afghanistan.
Waxay sheegeen inay lagama maarmaan tahay in dalkaasi lagu soo dabaalo xasilooni waarta.
Bayaan ka soo baxay labadan dowladood ee Pakistan iyo Ruushka ayaa lagu xaqiijiyay in Khan iyo Putin ay eegeen kaalinta ay ka qaadan karaan isku dubaridka howlaha Afghanistan.
Labaduba waxay muujiyeen sida ay kaga go’an tahay ka hor tagga wax kasta oo khalkhal gelin karo amniga dalkaasi ka dib markii ay bishii hore maamulka la wareegtay kooxda Taalibaan.