In ka badan 80,000 oo ka mid ah shacabka Tana River oo u baahan gargaar cunno

0
391

Hay’adda laanqayrta cas laanteeda Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 80,000 qof oo ku nool ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta ay u baahan yihiin in si degdeg ah loo garsiiyo cunno.
Bishii lixaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA sheegay in tirada dadka u baahan cuntada ay kor u dhaaftay 63,000.
Tirada korortay ayaa soo baxday ka dib saddex cisho oo ay hay’adda Red Cross qiimeyn ka waday Tana River.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ugu yaraan 2,000 oo xoolo ah ay dhinteen.