Hay’adda xasaradaha adduunka oo sheegtay in siyaasiyiinta soomaaliyeed ay dhibaato horseedayaan

0
392

Hay’adda caalamiga ee qaabilsan la tacaalidda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group ayaa digniin ka soo saartay xaaladda siyaasadda ee ka jirta dalka Soomaaliya.
Waxay hay’addu uga digtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taageerayaashiisa inay isku dayaan in ay xil ka qaadis ku sameeyaan ra’iisul Maxamad Xuseen Rooble.
Warbixin ay soo saartay hay’adda ayaa waxaa ay uga hadashay marxaladihii uu soo maray khilaafka ka dhexeeya Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.
Hay’adda ayaa warbixinteeda sidoo kale ku sheegtay in loo baahan yahay in cunaqabatayn lagu soo rogo madaxda khilaafka mas’uulka ka ah, waxaa ay sidoo kale hay’ada ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil.
ICG ayaa amartay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida laga hor istaagin sii wadida baaritaanada la xiriira dilkii loo gaystay ikran tahliil ila lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah .
Qoyska Ikran ayaa ka soo horjeestay guddi baarayaal ah oo uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay 13 -kii bishan September si ay u baaran kiiskaasi.