Maamulka qaabilsan maareynta adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa sheegay in wixii ka dambeeya saqda dhexe ee caawa uu isbeddel ku imaan doono qiimaha noocyada kala duwan ee shidaalka.
Isbeddelkan ayaa shaqeyn doono ilaa 14-ka bisha Tobnaad ee 2021-ka.
Qiimaha nooca shidaalka ee Super Petrol ee magaalada Nairobi ayaa noqonaya 134.72 halkii liitar,naaftada ama Diesel waxaa lagu kala iibsan doonaa 115.60 shilin halkii liitar halka Kerosene la iibin doono 110.82 liitarkii.
Ismaamulka Mombasa noocyada kala duwan ee shidaalka ayaa lagu iibsan doonaa super petrol (132.46 ) shilin, Diesel (113.36) shilin iyo Kerosene oo ah (108.57) halkii liitar.
Maamulka EPRA ayaa sheegay in qiimahan ay ku jirto canshuurta dakhliga ee (VAT) oo ah boqolkiiba 8 sida ku qeexan xeerarka maaliyadda ee sanadkii 2018-kii iyo isbeddelkii lagu sameeyay xeerarka canshuurta ee sanadkii hore.
Wararka ayaa intaa ku daraya in marka qiimahan cusub la dhaqangeliyo halkii liitar ee nooca shidaalka ee super petrol lagu iibsan doono qiimo intii hore ka badan 7 shilin.
Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in qiimaha shidaaalka uu ugu sarreyn doono ismaamulka Mandera oo halkii liitar ee super petrol lagu iibsan doono 147.75 shilin, Diesel ama naaftada waa 128.64 shilin liitarkii halka nooca Kerosene uu noqon doono 123.86 .
Waxaa suurtagal ah in kororka qiimaha shidaalka ee gudaha dalka uu culeys dheeraad ah saaro Kenyaanka oo qaarkood hadda wajahaya xaalad adag oo nololeed.