DHAGEYSO:Cabdiweli Cali Gaas oo farriin digniin ah u diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha

0
369

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabduweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo salka ku haya kiiska maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
Cabduweli Cali Gaas oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble uu yahay mid nasiib darro ah , isaga oo sheegay in labaduba ay xeyndaabkii dowladnimada ay iskala baxeen .
Waxaa uu intaa ku daray in is qabqabsiga ka dhexeeyo hogganka sare ee dalka Soomaaliya uu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil.
Waxaa uu sheegay in ay habboon tahay in kiiskaasi loo daayo hay’adaha ay shaqadoodu tahay.

Sidoo kale Cabduweli Gaas ayaa sheegay in waraaqaha ay isugu soo jawaabayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay dhibaato u keeni karto mustaqbalkooda siyaasadeed, isla markaana wixii dalka ka dhaca ay labadooda mas’uul ka yihiin.
Cabduweli ayaa carraabka ku dhuftay is qabqabsiga uu dhibaato ku yahay dowlwdnimada, socod siinta howl maalmeedka dowladda, howlaha doorashooyinka ee loo wada jeystay iyo shaqooyinka kale ee dowladda.
Ugu dambeyn Cabduweli Gaas ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha maadaama awood badan la siiyay in Arrinta Ikraan uu u daayo Hay’adaha Garsoorka, hayeeshee uu u jeesto dhinaca doorashada oo ay ku xiran tahay guushiisa iyo guuldaradiisa ,islamarkaana guushiisa aysan ku xirneyn ka guul gaarida kiiska Ikraan Tahliil.