Madaxa waaxda dacwad oogidda Haiti oo xilka laga qaaday

0
514

Waxaa lagu soo warramayaa in dalka Haiti uu galay jahwareer siyaasadeed ka dib markii ra’iisul wasaaraha wadankaasi Ariel Henry uu shaqada ka eryay agaasimihii waaxda dacwad soo oogidda.
Tani ayaa timid ka dib markii ra’iisul wasaaraha lala xiriiriyay dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moise loo gaystay 7-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Tallaabada xilka looga xayuubiyay Bed-Ford Claude ayaa muujinaysa isqabqabsiga ka dhex jiro waaxyaha dowladda dalkaasi labo bilood ka dib markii Moise toogasho lagu dilay.