Xildhibaannada Golaha Wakiilada maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaay yeelanayaan kulankooda lagu dooranayo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ee ay deegaan doorashadoodu tahay hirshabeelle.
Salay waxaa Magaalada Jowhar lagu doortay Saddex Sanoter oo kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Fartuun Cabduqaadir Karaama iyo Nuur Maxamed Geeedi (Canjeex).
Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale la doortay Saddex Sanoter, si Maalinta Berito ah loo soo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare ee degaannada Hir-Shabeelle, waxaana musharixiinta Maanta ku tartami doona Saddexda kursi ee doorashadooda lagu wado inay dhacdo ay kala yihiin.
1:Musharax Xasan Iidow Muxumed
2:Musharax Cabdinuur Ibraahim nuur
3 :Musharax Cismaan Axmed Macow oo kursiga ugu horeeya ku tartami doona.
1:Musharax Cismaan Maxamuud Dufle oo afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ku fadhiyay
2:Musharax Maxamuud Axmed Nuur tarsan safiirka Soomaaliya ee dalkani kenya
3: Musharax Raage Xasan Xuute.
Halka kursiga ugu daneeba ee in maanta la doorto uu qorshuhu yahay ay u tartamayaan shan musharax oo kala ah
1: Musharax Cali Shacbaan Ibraahim
2: Musharax Caballe Xuseen Cabdi
3: Musharax Caasho Xuseen Abuukar
4: Musharax Cabdulahi tawaad
5: Musharax Cabdiqaadir Xanafi
Ammaanka Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Madaxtooyada maamulka Hir-Shabeelle lagu arkayaa Ciidamo ammaanka si weyn u xaqiijinsya oo si dhow ula socda dhamaan dhaqdhaqaaqyada aagaas ka jira.
Home Wararka Soomaaliya Maalinkii labaad oo doorashada xubnaha aqalka sare ka socoto magaalada Jowhar