Israa’iil oo eedeyn u jeedisay Iiraan

0
534

Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil Benny Gantz ayaa dowladda dalka Iiraan ku eedeyay in ay tababar siinayso dagaalayahaanada bariga dhexe.
Waxaa uu xusay in tababarkan uu ka socdo saldhigga waqooyi ee Kashan.
Mr. Benny ayaa ku andacoonaya in dagaalyahaanada ay xukuumadda Tehraan tababarayso ay ka soo jeedaan wadamada Yemen, Iraq, Syria iyo Lebanon si ay u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Hasa ahaate dowladda Iiraan ayaa iska fogeysay eedeynta uga timid wasiirka difaaca ee Israa’iil.