Wafdi ka socda QM oo Muqdisho gaaray

0
470

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa sheegayaan in Maanta ay gaareen wafdi ay hoggaamineyso Ku xigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey, kuwaasoo siweyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.
Wafdiga ayaa waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay kula kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka ka bilowday.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.
Imaanshaha wafdigaan iyo kulamada ay la qaadanayaan Madaxda Sare ee Soomaaliya ayaa waxaay kusoo aadayaan xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.