Lubnaan oo xukuumad cusub soo dhiseyso

0
500

Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najiib Mikati iyo madaxweyne Michel Aoun ayaa saxiixay wareegto lagu soo dhisayo xukuumad cusub iyadoo uu goob joog ka ahaa afhayeenka baarlamaanka dalkaasi Nabih Berri, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay aqalka madaxtooyada ee wadankaasi.
Lubnaan ayaa dowlad la’aan ahayd muddo sannad ka badan iyada oo u dalkaasi wajahayo dhaqaale xumo.
“Xaaladu aad bay u adag tahay, waa inaan gacmaha is qabsannaa”a yuu yiri ra’iisul wasaare Mikati.
Waxaa uu intaa ku daray in dhammaantood ay u wada socdaan si wadajir ah, ayagoo ku mideysan rajo iyo go’aan.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Lubnaan Najiib Mikati ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi, ka dib kulan uu la yeeshay madaxweyne Michel Aoun si uu u saxiixo wareegtada dhismaha dowladda.