Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka oo kordhay.
IEBC ayaa ku andacootay in dhaqdhaqaaqyadaan siyaasadeed ay keenayaan xiisad aan loo baahnayn.
Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay guddigan islamarkaana lagu soo badhigay 4 sarkaal oo ka mid noqonaya IEBC ayaa lagu boorriyay siyaasiyiinta dalka inay joojiyaan ololaha siyaasadeed ee sharci darrada ah.
Guddiga IEBC ayaa ka codsaday siyaasiyiinta jago doonka ah iyo saamileyda inay iska ilaaliyaan habdhaqanka aan wanaagsaneen, maadaama xilliga ololaha rasmiga ah la qabanayo uu ku qeexan yahay howlaha doorashada.
Dhanka kale guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa mar kale uu xaqiijiyey kenyaanka inay qaban doonaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo ee sanadka dambe.
Waxaa uu guddigu ku boorriyay mas’uuliyiinta amniga inay hubiyaan in doorashada lagu qabto jawi ammaan ah.
Guddiga IEBC ayaa qorsheynaya inuu bisha soo socoto bilaawo diiwangelin socon doonta muddo 30 cisho.
Waxaa uu hiigsanayaa inuu diiwaangeliyo ugu yaraan 6 milyan oo codbixiyeyaal cusub oo heer gole deegaan ah.
Waxaa uu xusay in muwaadin walbo uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu iska diiwaangeliyo codbixinta.
IEBC ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqday inay hubiso in dhaqaale ku filan la siiyo guddigan waqtigii loogu talagalay si loogu oggolaado hirgelinta barnaamijyada qorsheysan.