Dowladda oo degmo cusub ku kordhisay Laikipia

0
367

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa maanta wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay degmo cusub oo lagu soo kordhiyay ismaamulka Laikipia.
Wasiirka ayaa xusay in tallaabadan looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo amniga Laikipia oo aan wanaagsanayn.
Degmada cusub ayaa lagu magacaabaa Kirima waxaana xarun dhexe u ah Ol Moran oo maalmihii ugu dambeeyay ay burcad ka gaysanaysay weerarro ay dad ku dhinteen sidoo kalena hanti lagu burburiyay.
In kastoo ismaamulkaasi ay ka socdaan howlgallo amni, haddana wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dowladda dhexe ay gacan ka gaysan doonto in dib u dejin loo sameeyo qoysaska iskudhacyada ku barakacay.
Laikipia ayaa ka mid ah meelaha inta badan laga soo tabiyo dagaallada salka ku haya dhaca xoolaha.