Jaaliyadda dhaqaale ee wadamada galbeedka qaaradda Afrika ee loo yaqaano ECOWAS ayaa si ku meel gaar ah u hakisay xubinimada dowladda Guinea oo uu dhawaan ka dhacay afgembi militari.
Tallaabada ay qaadeen ciidamada gaashaandhigga ee dalkaasi ayaa xukunka looga tuuray madaxweyne Alpha Conde.
Mas’uuliyiinta dalladda ECOWAS oo shalay yeeshay kulan fogaan-arag ah ayaa dalbaday in dib loo soo celiyo hannaankii kala dambeynta ee dastuuriga ee Guinea.
Sidoo kale waxay amar ku bixiyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan xabsiga looga siidaayo madaxweyne Conde.
Madaxda jaaliyadda ayaa ku heshiiyay inay wafdi heer sare ah u diraan wadankaasi maanta oo khamiis ah.